Washington (Halqaran.com) – Madaxweynaha Mareykanka ee xilka sii degaya ee Donald Trump ayaa sheegay in uusan ka qeybgali doonin xafladda caleemo saarka madaxweynaha la doortay ee Joe Biden oo dhici doonta sida uu qorshuhu yahay 20 bishan Janaayo.
Trump ayaa hadalkan ku soo qorey bartiisa Twitter ka dib markii xayiraadda laga qaaday.
“Dhammaan kuwa iga codsaday, kama qeybgali doono xafladda caleemo saarka 20 Janaayo,” ayuu ku qorey Twitter.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





