Baghdad (Halqaran.com) – Ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalka Ciraaq ayaa sheegay in diyaarad Drones ah ay weerar ku qaaday saldhig ay ku sugnaayeen ciidamo Mareykan ah.
Waxaana lagu soo warramayaa in weerarka uusan wax khasaare ah geysan balse uu burburiyay qeybo kamid ah dhismo ku yaallay saldhigga ciidamada cirka ee Ceyn Al Asad ee dhaca galbeedka gobolka Anbar.
Waa markii afaraad oo diyaarad aan duuliye wadin ama madaafiic lagu weeraro saldhigyada ciidamada Mareykanka ee Ciraaq.
Ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas iyadoo isbaheysiga la dagaalanka Daacish ee uu hoggaamiyo Mareykanka aysan weli ka hadlin dhacdadaan.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





