Wednesday, April 22, 2026
26.4 C
Mogadishu

Safiirka Soomaaliya ee Senegal ‘Awliyo’ oo warqadihii Aqoonsiga laga guddoomay

Senegal (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dalka Senegal Macky Sall ayaa waraaqihiisa aqoonsiga Safiirnimo ka guddoomay Safiirka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya u soo magacawday Dalka Senegal, Danjire Maxamed Xuseen Awliyo

Danjire Awliyo ayaa nuqulka warqadihiisa aqoonsiga Danjiranimo waxaa ka guddoomay Madaxweynaha Dalka Senegal Macky Sall, iyadoo loo sameeyay habmaamuus Qaran oo lagu soo dhaweynayay.

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Senegal Danjire Maxamed Xuseen Awliyo ayaa sheegay in uu ka shaqeyn doono horumarinta cilaaqaadka dhinacyada badan leh ee ka dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Senegal.

Madaxweynaha Dalka Senegal Macky Sall ayaa dhankiisa soo dhaweeyay Safiirka cusub ee Dawladda Soomaaliya u magacawday dalkiisa, wuxuuna u ballan qaaday inuu gacan ku siin doono gudashada waajibaadkiisa safiirnimo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...