Monday, June 1, 2026
26.9 C
Mogadishu

RW Rooble oo maanta Kulan la qaatay Saraakiisha Ciidanka Booliska Somaliyeed +(SAWIRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya, mudane Maxamed Xuseen Rooble oo Sabtidii maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa kulan la qaatay saraakiisha iyo hoggaanada taliska, isagoo ku boorriyay inay dardar-geliyaan howlaha lagu sugayo ammaanka guud Muqdisho iyo deegaannada kale ee dalka.

Mr. Rooble ayaa kula dardaarmay saraakiisha booliska Soomaaliyeed in kor loo qaado sugidda amniga dalka, si shacabka Soomaaliyeed ay ku helaan ammaan buuxa.

“Waa in qofku amni ku helo gurigiisa, isagoo kalsooni u qaba ciidanka Booliska, si aad taasi u suuro-gelisaan dowladdu waxay idin la garab taagan tahay wixii taageero ah ee aad u baahan tihiin.”ayuu yiri RW Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray saraakiisha ciidanka in xal loo helo dambiyada ay ka mid yihiin: dhaca, dilka iyo kufsiga Haweenka ee kooxaha burcada ah ay u geysanayaan bulshada kuwooda nugul.

Sidoo kale, RW Rooble ayaa kormeer ku sameeyey qeybaha kala duwan ee taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...