Hargeysa (Halqaran.com) – Illaa iyo Saddex Dhallinyaro ah ayaa la xaqiijiyay inay geeriyoodeen, halka ruux kale oo uu ku dhaawacmay shil gaari oo ka dhacay galbeedka magaalada Hargeysa ee deegaannada Somaliland.
Saddexda Dhalinyarada ah ee geeriyootay ayaa magacyadooda lagu sheegay Cabdisalaan, Faysal iyo Axmed, waxaana ay saarnaayeen Gaari yar oo Vitz ah, halka baabuurka kale ee uu ku dhacay uu ahaa Xaajiyo.
Ciidamo ka tirsan kuwa ilaalada waddooyinka Somaliland ee taraafikada iyo dadweyne kale ayaa tegay halka shirka uu ka dhacay, iyaga oo goobta ka qaaday meydadka dhalinyarada iyo dhaawaca qofka kale.
Wararka ayaa sheegaya, in Ciidamada taraafikada ay xir xireen darawalada labada Gaari ee isku dhacay, kuwaas oo la geeyay Saldhiga Booliska Magaalada Hargeysa.
Magaalada Hargeysa iyo deegaannada ku dhow dhow ayaa waxaa dhowr jeer hore ka dhacay shilal gaari, iyadoo inta badan loo aaneynayo burbur xoogan oo kajira wadada u dhaxeeysa Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





