Sunday, April 19, 2026
29.9 C
Mogadishu

Sacuudiga oo oggolaaday in la soo Xajinkaro, balse Shuruudo ku xiray Xujeyda

Riyad (Halqaran.com) – Wasaaradda Xajka ee Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday in haatan ummadda Muslimiinta loo ogolaan doono inay Xajka soo aadaan, inkastoo ay shuruudo jiri doonaan.

Wasaaradda ayaa sheegtay dadka doonaya inay acmaasha Xajka gutaan ay tahay inay soo qaataan tallaalka COVID-19, islamarkaana uu jiri doono karantiil muddo bil ah, oo lagu gelinayo gudaha Sacuudiga.

Shuruudahan ayaa waxaa qayb ka ah in la oggolaan doono oo keliya dadka xiran kara maaska afka iyo sanka lagu daboosho, taasoo lagu xakameynayo faafitaanka xanuunka.

Wasaaradda ayaa dadka fartay inay diyaargarow sameeyaan, xilli horena ay soo amba-baxaan, maadaama ay karantiil muddo bil ah geli doonaan.

Sidoo kale, wasaaradda Xajka ee Sacuudiga ayaa xustay inay dib ka soo sheegi doonaan, haddii dadka da’da loo oggolaanayo gudashada Xajka iyo in kale. Wasaaraddu waxay kaloo sheegtay faah-faahinta iyo shuruudaha oo dhammeystiran in dib laga soo sheegi doono.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa sanadkii 2020 Xajka u oggolaatay toban kun oo qof (10,000), kuwaa oo dhammaantood ka soo xajay gudaha dalkaasi. Kun ka mid ah dadkaasi ayaa u dhashay Sacuudiga, halka inta kalena ay metelayeen waddamada kale ee Islaamka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...