Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay magaalada Doxa ee dalka Qatar.
Wafdigan oo uu qeyb ka yahay Guddoomiyaha Banggiga Dhexe ee dalka ayaa garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaa kasii sagootiyey Xubno ka tirsan labada Golle ee Dowladda Soomaaliya.
RW Xasan Cali Kheyre ayaa dhowr jeer ku laab laabtay dalka Qatar oo saaxiib dhow la ah dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo, waxaana la filayaa in uu la kulmo Madaxda dalkaas.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





