Addis Ababa (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, mudane Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Khamiistii safar shaqo ugu ambabaxay Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.
Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ka sagootiyay Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Soomaaliya, halka Wasiirro kale iyo la taliyeyaal ay qeyb ka yihiin safarkiisa.
Agaasimaha Warfaafinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Farxaan Jimcaale oo faah-faahi ka bixiyay safarka ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdiga la socda ay dalka Itoobiya kaga qaybgali doonaan shirka caalamiga ee Madasha Tana oo looga hadlayo Amniga Qaaradda Afrika.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in kulanka looga hadli doono sidii looga hortagi lahaa qataraha ku soo wajahan Qaarada Afrika, isla markaana Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad ka jeedin doona shirka uu kaga hadli doono dhibaatooyinka xaga amniga ee kajira Somaaliya.
Agaasimaha Warfaafinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Farxaan Jimcaale ayaa sheegay in Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan mas’uuliyiinta iyo madxda kale ee ka qeyb galeysa shirka.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com