Monday, March 16, 2026
29.2 C
Mogadishu

Ra’iisul Wasaare Xamze oo Muqdisho kula kulmay Safiirka cusub ee Jarmalka

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya Xamze Cabdi Barre ayaa Khamiistii maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee dowladda Jarmalka usoo magacaawday Soomaaliya, Sebastian Groth.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood ka dhexeeya, la-dagaalanka ka dhan ah Al-Shabaab ee dalka ka socda, sida lagu sheegay Qoraal laga soo saaray Xafiiska Xamse Barre.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey dowladda Jarmalka taageerada dhinacyada badan ee ay la garab taagantahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Safiir Sebastian Groth ayaa isna ka mahadceliyay soo dhaweynta dalka loogu sameeyay, waxuuna ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono sii xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowladood.

Danjiraha cusub ee dowladda Jarmalka usoo magacaawday Soomaaliya, Sebastian Groth ayaa waxaa shalay warqadihiisa aqoonsiga ka guddoomay Madaxweynaha JF Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...