Sunday, May 10, 2026
28.1 C
Mogadishu

RW Xamse oo Shir guddoomiyay kulan looga hadlayay dardargelinta la dagaallanka fikirka xagjirka

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa galabta guddoomiyay shir looga hadlayo dardar galinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab, taasi oo qayb ka ah qorshaha dowladda ee in Khawaraijta lagala dagaallamo 3 jiho oo kale ah dhaqaalaha, fikirka iyo dagaalka tooska ah ee ka socda gobolladda dalka.

Shirka ayaa lagu falanqeeyey qaabkii Argagixisada looga guuleysan lahaa dagaalka fikirka ah, iyadoo la adeegsanayo culimaa’udiinka Soomaaliyeed, isla markaana xoogga la saarayo sidii wacyigalinta loo gaarsiin lahaa deegaannada dhawaan laga xoreeyey oo barnaamijka xasillinta loo dhinac wadi lahaa la dagaallanka fikirka xagjirka ah.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dadka ku dhaqan deegaannada laga xorreeyey Al-Shabaab laga hirgaliyo goobo lagu soo bandhigayo caqiidada saxda ee Islaamka, isla markaana dadka looga wacyi galinayo fikirka khaldan ee ay Argagixisada Al-Shabaab dadka u sheegayeen shan iyo tobankii sanno ee u danbeeyey.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...