Monday, May 11, 2026
28.1 C
Mogadishu

Munaasabada sanad guurada 53aad ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo lagu Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane, Axmed Cabdiraxmaan Xasan ayaa maanta ka qayb galay munaasabadda sanad-guurada 53-aad ee Aas-aaska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo lagu qabtay xarunta taliska Ciidanka Asluubta Muqdisho.

Munaasabadda waxaa kasoo qeyb galay Wasiirro, xubno ka socday Ciidamada Nabad Sugidda, Booliska, taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Keenadiid) iyo hoggaanka sare ee Ciidanka Asluubta.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Genera,l Cabdikariim Cali Afrax oo munasabadda ka hadlay ayaa ka sheekeeyay marxaladihii uu soo maray ciidankan oo muhiim u ah dalka iyo ilaalinta sharciga gaar ahaan xabsiyada dalka.

Wasiir kuxigeenka wasaarada Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS mudane Axmed Cabdiraxmaan Xasan oo soo xiray munaasabada ayaa hambalyo u diray sareeyeyaasha, saraakiisha, saraakiil xigeenada, alifleyda, dableyda, xasaaskooda iyo caruurtooda, isagoo bogaadiyay howlaha ay ciidanka Asluubta uhayaan dalkooda iyo dadkooda ee ku aaddan daryeelka, illaalinta iyo dhaqan cellinta Maxaabiista.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...