27.4 C
Mogadishu
Tuesday, March 21, 2023

Munaasabada sanad guurada 53aad ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo lagu Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane, Axmed Cabdiraxmaan Xasan ayaa maanta ka qayb galay munaasabadda sanad-guurada 53-aad ee Aas-aaska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo lagu qabtay xarunta taliska Ciidanka Asluubta Muqdisho.

Munaasabadda waxaa kasoo qeyb galay Wasiirro, xubno ka socday Ciidamada Nabad Sugidda, Booliska, taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Keenadiid) iyo hoggaanka sare ee Ciidanka Asluubta.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Genera,l Cabdikariim Cali Afrax oo munasabadda ka hadlay ayaa ka sheekeeyay marxaladihii uu soo maray ciidankan oo muhiim u ah dalka iyo ilaalinta sharciga gaar ahaan xabsiyada dalka.

Wasiir kuxigeenka wasaarada Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS mudane Axmed Cabdiraxmaan Xasan oo soo xiray munaasabada ayaa hambalyo u diray sareeyeyaasha, saraakiisha, saraakiil xigeenada, alifleyda, dableyda, xasaaskooda iyo caruurtooda, isagoo bogaadiyay howlaha ay ciidanka Asluubta uhayaan dalkooda iyo dadkooda ee ku aaddan daryeelka, illaalinta iyo dhaqan cellinta Maxaabiista.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Somali National Army kills 24 al-Shabaab fighters in operations

At least 26 al-Shabab fighters have been killed in...

Djibouti announces first space launch base in Africa

A surprise announcement, but not so surprising. The President...

AU says Israel’s observer status suspended

The African Union said Sunday that Israel’s observer status...

EAC council ministers to consider report on Somalia’s verification to join bloc

The East Africa Community (EAC) Council of Ministers will...

President Ruto says Kenya to continue supporting stable, peaceful Somalia

By ENOSH MUTHOMI NAIROBI, Kenya, Feb 19 – President William...
spot_img

Madaxda Hirshabeelle oo wada daddaal loogu dhisayo buundo cusub Deg. Buulo-burde

Buulo-burde (Halqaran.com) - Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladaha Hoose ee Hirshabeelle, Cabdi Daahir Guurre iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maantay gaaray Degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan. Wasiirka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS oo lagu soo dhoweeyay dalka Ciraaq

Baqdaad  (Halqaran.com) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa xalay  lagu soo...

RW Xamse oo Shir guddoomiyay kulan looga hadlayay dardargelinta la dagaallanka fikirka xagjirka

Muqdisho (Halqaran.com) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa galabta guddoomiyay shir looga hadlayo dardar galinta dagaalka ka dhanka ah...