Sunday, November 9, 2025
28.2 C
Mogadishu

RW Xamse: ‘‘DF Somaliya waxay xirtay 250 Akoon oo ay lahaayeen Al-Shabaab‘‘

Qaahira (Halqaran.com) – Ra’isul Wasaaraha XF Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre oo xalay la hadlay jaaliyadda Soomaaliyeed ee waddanka Masar ayaa faah-faahin ka bixiyay dagaalka dhinaca maaliyadda ah ee ay dowladda Federaalku ku qaadday Al-shabaab.

Ra’isul Wasaahara ayaa sheegay inay Al-shabaab ay ka xireen 250 akoon oo ay ku lahaayeen 4 bangi. Wuxuu intaa ku daray inay sidoo kale xireen 70 number oo lacagaha loogu shubi jiray oo ay ku lahaayeen laba shirkadood

Xamse Barre ayaa sheegay in xogta numberadaas la xiray ay ka heleen shacabka Soomaaliyeed, kadib markii dowladdu ay bishii Oktoober ee sankadii hore sameysay numbarro ay soo wici karaan dadka ay Al-shabaabku soo weydiistaan ‘lacagaha baadda ah.’

“Markii la arkay in dowladdu shaqeyneyso waa la aaminay” ayuu yiri Xamse Cabdi Barre.

Ra’isul Wasaaraha ayaa sheegay in la baarayo lacagaha ku jira akoonada iyo numberada la xiray. Wuxuu ammaanay wasaarado ay ka mid yihiin warfaafinta, maaliyadda iyo isgaarsiinta oo ay sheegay ‘inay kaalintooda ka qaateen dagaalka dhinaca maaliyadda ah; ee ka dhanka ah Al-shabaab.

Ra’isul Wasaaraha ayaa intaas ku daray in dhaqaalaha Al-shabaab uu hoos u dhacay, isla markaana ay soo wajahday lacag la’aan, ayna ku sugan yihiin wuxuu ugu yeeray ‘duruuf aad u adag’.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...