Thursday, June 4, 2026
26.4 C
Mogadishu

Qarax lagu dilay Injineero oo ka dhacay gudaha Kenya & Wararkii ugu dambeeyay

Kenya (Halqaran.com) – Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa lala eegtay kolonyo ay wateen Injineero ku howlanaa kormeerka wadada tareenka ee isku xiraya dalalka Kenya iyo Itoobiya, waxaana qaraxaas kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah.

Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa waxaa kolonyada gaadiidka ah uu ku qabsaday deegaan ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi Kenya, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka oo sheegay inay maqleen jugta qarax xooggan.

Inta la xaqiijiyay afar qof ayaa ku dhintay qaraxa, halka tirro dad kalena ah ay dhaawacyo kasoo gaareen qaraxaas ka dhacay deegaan ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari, waxaana dadka waxyeelada gaartay durbadiia loo cararay Isbitaal, si loogu daaweeyo.

Warbaahinta gudaha Kenya ayaa ku warrantay in dadka dhintay ay saddex ka mid yihiin Injineerada ku howlanaa dhismaha wadada tareenka ee isku xiraya dalalka Kenya iyo Itoobiya, taasi oo marta magaalooyin ay kamid tahay Gaarisa.

Taliyaha Booliska Waqooyi Bari George Seda ayaa tagay halka weerarka uu ka dhacay, isagoo sheegay iney baxsadeen dableyda weerarkan geysatay, balse ay ku daba jiraan laamaha amaanka.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer qaraxyo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac la eegtay shaqaale dhismo ka waday waddooyin ku yaalla gudaha Kenya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...