Muqdihso (Halqaran.com) – Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa shacabka reer Hiiraan ugu baaqay inaysan niyad-jebin, isla-markaana ay la jiraan.
Waxa uu muujiyay in dhinac kasta laga jiro, dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab-na aanay ku keli ahayn.
“Dadka reer Hiiraan ha niyad-jabina, keligiin ma tihiin waa la idin la jooggaa, horaa la idinka jiraa, gadaal-na waa la idinka jiraa, labada dhinacba waa la idinka jiraa.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa reer Hiiraan ku ammaanay inay sharaf iyo astaanba u yihiin guulaha waaweyn ee laga gaaray dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada.
“Somaliya way xorowday, sharaf iyo cinwaan ayaadna u tihiin xorriyaddaas.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo hadalkan ku sheegay qoraal la soo dhigay bogga xafiiskiisa.
Ra’iisal Wasaare Barre ayaa shalay gaaray Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, halkaas oo uu u tegay xoojinta iyo dardargelinta hawlgalada lagu wiiqayo mintidiinta Al Shabaab.
Xukuumadda ayaa waddo dadaalo culeyska looga yareynayo gobolkaasi, hawlgaladana looga bilaabayo gobolada kale, ee ay ood wadaagga yihiin.
Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa mar sii horreysay sheegay inay Ra’iisal Wasaare Barre ka doonayaan taageero weyn, oo ku aaddan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, dib u dhiska Xafiisyadii Maamulka Gobolka Hiiraan, oo ku burburay qaraxyadii waaweynaa ee 3-dii bishan Shabaabku ka gaysteen Beledweyne iyo dayactir lagu sameeyo Buundada Degmada Buulo Burde, oo shalay ay Shabaab qarxiyeen.
“Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre ku soo dhawoow Hiiraan. Waxaan kaa sugaynaa taageero weyn dagaalka lagula jiro argagixisada, dib u dhiska Xafiisyadii Maamulka Beledweyne oo ay Khawaariijtu qarxiyeen iyo dayactir degdeg ah, oo lagu sameeyo buundada muhiimka ah ee Degmada Buulo Burde.” Ayuu Xildhibaan Macalimuu ku sheegay bartiisa Facebook, waxa uuna intaasi ku daray “Khawaariijta waa shalwadeen ee haloo midoobo dagaalkooda.”
Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ayaa Shabaabka ka saaray, inta badan deegaanadii ay ka maamulayeen Gobolka Hiiraan. Shabaab ayaana gobolkaasi ka gaysanaya weeraro ay ku muujinayaan inay weli nool yihiin, tani oo loo aaneeyo hawlgalada oo aan si buuxdo uga bilaaban gobolada kale ee xadka la leh.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com