RW Rooble oo sheegay in la baabi’iyay hoggaanka guddiga doorashada gobollada Waqooyi!

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay Guddiga Doorashooyinka Xildhibaanada Labada Gole ee Gobolada Waqooyi ayaa sheegay in xubnaha guddiga laga doonayo in ay ka madaxbanaanaadaan siyaasadda iyo aragtida dhinacyada, ayna si siman ugu adeegaan dhammaan muwaadiniinta u tartamaya kuraasta ay doorashadooda hagayaan.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa xusay in laga noqday doorashadii ay dhowaan dhinacyada guddigu ku doorteen labada hoggaan, isla markaana uu Xafiiska Ra’iisal Wasaaruhu soo gudbin doono xiliga iyo goobta lagu qabanayo doorashada guddoonka guddiyada.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa tilmaamay in masuuliyadda koowaad ee hufnaanta iyo la xisaabtanka guddiyada doorashooyinka ay isaga saaran tahay, isla markaana xubnaha guddigu ay ka fogaadaan wax walba oo baal marsan habraaca doorashooyinka ee lagu heshiiyey.

“Sida ku qoran wareegtadii la idinku soo magacaabay, waxaad ka madax bannaan tihiin cid kasta oo siyaasad ku jirta, sida uu qabo habraaca doorashada, waxaa la idin kaga fadhiyaa waajibaadkiina inaad u gudataan si daacad ah oo waafaqsan hufnaanta doorashada, wixii caqabad ah ee idinla soo gud-boonaadana waxaad ula soo laabanaysaan Ra’iisal Wasaaraha oo ah hoggaamiyaha doorashada.”

Rooble ayaa horey kulamo lagu xalinayo khilaafaadka ka dhashay hoggaanka Guddiga Doorashooyinka Gobolada Waqooyi ula yeeshay Gudoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com