Friday, April 17, 2026
29.7 C
Mogadishu

RW Rooble oo maanta gaaray magaalada Kismaayo +(SAWIRRO)

Kismaayo (Halqaran.com) – Ra’iisul Waasaraha XF Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Wafdi uu hoggaminayo ayaa gaaray Magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Dowlad gobaleedka Jubbaland:

Rooble iyo Wafdigiisa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu joogo Jubbaland waxa uu kulammo la yeelan doonaa madaxda, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Jubaland oo uu kala hadli doono arrimaha hirgelinta doorashooyinka, dib u heshiisiinta, nabadgelyada iyo horumarinta, isagoo u kuurgali doona xaaladda guud ahaan Jubaland.

Mr. Rooble, ayaa dhagax dhigi doono mashaariic dhowr ah oo dowladda Federalka ay ka fulineyso magaalada Kismaayo.

Safarka RW Rooble ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee uu ku tago Jubbaland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...