Friday, April 17, 2026
29.7 C
Mogadishu

Madaxweynaha dalka Haiti oo gurigiisa lagu dhex dilay

Haiti (Halqaran.com) – Madaxweynihii dalka Haiti Jovenel Moïse ayaa maanta waxaa lagu dhex dilay gurigiisa, waxaa sidaas war-saxaafadeed ku sheegay ra’iisul wasaaraha ku meel gaarka ah dalkaas Claude Joseph.

Ra’iisul Wasaare Jospeh ayaa sheegay in koox aan la aqoonsan ay soo weerareen guri gaar ah oo uu deganaa madaxweynaha, kadibna ay dileen.

Xaaska madaxweynaha, Marwada Koowaad Martine Moïse, ayaa sidoo kale la dhaawacay, waxaana la dhigay Isbital, sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha ku meel gaarka ah, Claude Joseph.

Joesph ayaa cambaareeyey wax uu ugu yeeray ficil naceyb ah oo ka baxsan bani’aadannimada, islamarkaana ah xaasidnimo,” wuxuuna intaas ku daray in booliska Haiti iyo mas’uuliyiinta kale ay gacanta ku hayaan xaaladda.

Joseph ayaa sheegay inuu hadda isaga hayo talada dalka.

Si kastaba, dilka Madaxweynaha dalka Haiti ayaa ku soo beegmaya xilli dalkaas ay ka jiraan qalalaase siyaasadeed iyo mid dhaqaale, sarena ay uga kaceen rabshadaha burcadnimada.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...