Wednesday, December 10, 2025
27.4 C
Mogadishu

RW Rooble “Barrito Waddooyinka Magaalada Waa la Xiri doonaa”!(Ogow Sababata)

Muqdisho(Halqaran.com)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shacabka Muqdisho ka codsaday in ay u dulqaataan xirnaanshaha jidadka caasimadda inta ay socoto munaasabadda caleemasaarka madaxweynaha maadaama ay dalka imaanayaan madax iyo wufuud heer sare ah.

Waxaa uu sheegay in waddooyinka Muqdisho la xiri doono laga bilaabo 10: 00 Fiidnimo ee Caawa ilaa 5:00 Galabnimo ee Maalinta Berito ah ,isla markaana Shacabka looga baahan yahay inay saacadaas dulqaataan.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa yiri “Walaalayaal 9 Juun Caasimadda waxa ay marti galin doontaa; Madaxweynayaal, Ra’iisul Wasaarayaal iyo wufuud caalami ah oo ka kala imaanaya caalamka, kuwaas oo ka qeyb galaya Caleema Saarka Madaxweynaha JFS. Haddaba, si loo xoojiyo Amniga martida, waxaa laga maarmaan noqotay, in la xiro jidadka Caasimadda.”

Ra’iisul Wasaaraha Dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray Taliska Ciidanka Booliska in ay diyaariyaan gaadiid goobaha caafimaadka lagu geeyo dadka ay la soo darsaan xaaladaha caafimaad inta ay jidadku xiran yihiin.

waxaa lagu wadaa Maalinta Berri ah in ay Muqdisho ay ka dhacdo caleema saarka Madaxweynaha 10aad ee JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya 15 May 2022.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...