Tuesday, April 21, 2026
29.6 C
Mogadishu

Masuuliyiin ka Qeyb galeysa Caleema Saarka Madaxwenaha JFS oo Soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Muqdisho(Halqaran.com)-Wafuud Ka kala Socda dalalka Caalamka ayaa soo gaaray magaaladda Muqdisho ee caasimadda dalka, kuwaasi oo ka qeybgalaya caleema saarka Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la qorsheynayo in lagu qabto gudaha magaaladda Muqdisho .

Wafuudda ayaa waxaa ay ka kala imaanayaan dalalka Dariska, iyo kuwa kale, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweynayay masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya,oo uu horkacaya Wasiirka Amniga XFS Cabdullaahi Maxamed Nuur, Danjire Maxamed Cali Nuur Xaaji oo ah Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya, saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed iyo Mas’uuliyiin ka socota Protocol-ka Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Waxaa sii kordhaya tirada wafuuda ee magaalada Muqdisho soo gaaraya, waxaana wafuuda qaarkood ay hordhac u yihiin Madaxweynayaal iyo masuuliyiin kale oo soo gaari doona Maalmaha Soo socda.

Masuuliyiinta Maanta Soogaartay Magaalada Muqdisho waxaa ka mid ah Wasiirka difaaca ee dalka Uganda  Vicent Bamulangaki oo ay wehliyaan saddex ka mid ah saraakiisha dalkaasi,Lataliyaha Xafiiska Madaxweynaha dalka Yemen, Yaasiin Cumar Axmed iyo Feysal Yaasiin oo ah Iskuduwaha Guud ee Xafiiska Madaxweynaha Yemen.

Waxaa sidoo kale soo gaaray muqdisho wakiillo ka tirsan dowladaha Kenya iyo Baxrayniyo  Ururka Isutagga Islaamka oo uu ka socdo Ibrahim Taha oo ah ergay ka tirsan OIC.

Shalay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo gaaray wafdi hor u dhac u ah madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Maalinta Khamiista ah oo ku beegan 9-ka Bisha Junne ayaa la filayaa in Magaalada Muqdisho lagu qabto xafladda Caleema saarka Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana ka qeyb geli doona Madax kala duwan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...