Madaxda Hay’adda QM u qaabilsan Soomaaliya oo Qeylo dhaan afka Furtay(Maxay Tahay Sababta?)

Muqdisho(Halqaran.com)- Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP u qaabilsan Soomaaliya El-Khidir Daloum oo warbixin kasoo saaray heerka abaarta gaarsiisan tahay ayaa ku baaqay in gurmad degdeg ah loo helo in ka badan 200,000 (Labo boqol oo kun oo ruux).

Hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay ayaa warbixinno waxa ay kasoo saareen abaarta Soomaaliya waxa ay isku raaceen in xaaladda taagan loo baahan yahay gurmad degdeg ah si loo badbaadiyo kumanaanka kunool xaaladaha daran ee abaartu sababtay.

Qaramada Midoobay ayaa musiibo degdeg ah ku tilmaamtay xaaladda 213,000 qof oo ka mid ah dadka ay sida xun u saamaysay abaarta, kuwaas oo qeyb ah qiyaastii 7.1 milyan oo Soomaaliya ku nool.

“Waa in gargaar degdeg ah la helaa si macluul looga badbaadiyo rubac Milyan ruux Soomaali ah oo saameyn taban ku reebtay abaarta, jawaabta la sugayo waa in wadajir loogu soo jeestaa u gurmashada Dadka” ayuu yiri Madaxa WFP ee Soomaaliya.

“Dadka Abaartu saameysay waxa ay halis ugu jiraan in ay macluul wajahaan,, ma sugi karno ilaa inta dadkaan la dhacaan macluushaas oo waa in aan jawaab ka bixinaa” ayuu hadalkiisa sii raacisay El-Khidir Daloum.

Sido kale Tirada dadka ay soo food saartay gaajada iyo macaluusha ayaa kor u kacday 160% tan iyo bishii Abriil, sida ay sheegeen hay’adda Cunnada iyo Beeraha (FAO) iyo hay’adda ka digta Macluusha ee uu Mareykanku maalgeliyo.

Burburkii kadib Abaartii ugu saameynta badneyd ee Soomaaliya ku dhufatay ayaa dhacday 2011kii, waxa ay xiligaas sababtay in Dadka qaar ay u geeriyoodaan Biyo & Cunno la’aan, waxaa deegaannadooda ka barakacay kumanaan ruux.

Xoolo u le’day abaaraha jira darteed.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com