Monday, December 15, 2025
26.4 C
Mogadishu

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku tagay Wasaaradda Gaashaandhigga.

Muqdisho(Halqaran.com)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga.

Ujeedka uu halkaas u tagay Madaxweyne Xasan sheekh ayaa lagu sheegay kormeer shaqo, isagoo u kuur galaya hannaanka shaqo ee Wasaaradda iyo Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kulamo la leh, taliyeyaasha iyo saraakiisha hoggaannada Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula daraarmay saraakiisha Ciidamada inay u diyaar garoobaan sidii Al-Shabaab looga saari lahaa degaannada ay kaga sugan yihiin Gobolada dalka si loo xaqiijiyo Amniga Guud ee dalka.

9-ka bishaan ayaa loo caleema saarayaa xilka Madaxweynaha Soomaaliya sida uu qurshuhu yahay Xasan Sheekh Maxamuud oo xilkaas loo doortay 15-kii bishii may ee sanadka 2022-ka, waxaana ka qeyb galeysa wafuud heer caalami ah.

Mudane Xasan Sheekh ayaa xilligii uu ku jiray ololaha doorashada waxaa uu sheegay in uu muhiimada koowaad uu ka dhigan doono  amniga dalka iyo la-dagaalanka Al-Shabaab, waxaana kormeerkaan uu yahay midkii ugu horreeyay ee uu ku tago Wasaaradda Gaashaandhigga tan iyo markii la doortay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...