Thursday, November 13, 2025
28.7 C
Mogadishu

Soomaaligii Sadexaad oo 48 Saac gudahood lagu dilay Magaalada Cape Town ee Dalka koofur afrika.

Cape Town(Halqaran.com)-Magaalada Cape Town ee dalka koofur Afrika ayaa xalay lagu dilay Allaha u naxariistee Marxuum Cali Maxamed Xasan oo ku magac dheeraa (Balaakii), ka dib markii ay soo weerartay koox burcad ah.

Burcadda ayaa marxuumkaan si bareer ah u toogatay, isagoo ku dhex jiray Gaarigiisa uu Rootiga ku wareejin jiray, iyagoo intaa ka dibna goobta isaga baxsaday, mana jirin wax dhac ah oo ay u gaysteen.

Ciidama ka tirsan booliska oo gaaray goobta lagu dilay muwaadinka soomaaliyeed ayaa bilaabay howlgal iyo baaritaan cidii ka dambeeysay toogashada lagu dilay allah ha u naxariistee Ali Mohamed Hasan (Blaki)

Shaley fiidkii ayey aheyd markii burcad hubeeysan ay toogasho ku dileen Cabdirashiid Axmed Shiiq Muxudiin iyo Mowliid Axmed Cadde oo dukaama ku lahaa xaafada Ndabazabantu ee wadada Solomon Street ee Strand. ee magalada cape town.
Afhayeenka booliiska, Joseph Swartbooi, ayaa xaqiijiyay toogashadii xalay loo geeytay muwadiniinta soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in aan wali cidna loo soo qaban.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...