Monday, December 15, 2025
27.9 C
Mogadishu

Soomaaliya oo Markii Ugu Horreysay Ka Qayb galeysa Shirka ladagaalanka Musuqmaasuqa ee ka furmay Dalka Jabuuti.

Jabuuti(Halqaran.com)- Waxaa si rasmi ah magaalada Jabuuti ee dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ugu furmay Shirweynaha 8-aad ee Caalamiga ah ee Madasha Afrika ee Ladagaalanka Musuqmaasuqa, iyo Hay’adaha Isku-dhafka ah (FIGE). Soomaaliya oo ah markii ugu horreysay ay ka qeyb gasho shirkan ayaa waxaa ku matalaya xubno ka tirsan Guddiga Madaxa Bannaan ee La-dagaalanka Musuqmaasuqa uuna hoggaaminayo Commissioner Khadar Axmed Diiriye, islamarkaana uu wehliyo Commissioner Cabdullahi Abukar ayaa ka qeyb galaya shirka.

Shirka oo uu furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa soo dhaweeyay madaxda iyo wufuuda heerka caalami ee kasoo qeyb gashay. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa si diirran ugu soo dhaweeyay Soomaaliya xubinimadeeda Dalalka Hay’adaha Isku-dhafka ah ee La dagaalanka Musuqmaasuqa (FIGE).

Shirkan saddexda maalin uu socdo oo diiradda lagu saari doono dowlad-wanaagga, wax-qabadka hay’adaha dowladda iyo la-dagaallanka musuqmaasuqa ayay xubnaha ku matalaya Soomaaliya waxay shirar gaar gaar ah la yeelan doonaan madaxda iyo hay’adaha caalamiga ah ee kasoo qeyb gashay shirka.

Soomaaliya waxay dadaal dheeraad ah ku bixineysaa kor uqaadista daah-furnaanta iyo isla-xisaabtanka hay’daha dowladda iyo sidoo kale la-dagaalanka dhamaan noocyada kala duwan ee musuqmaasuqa.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...