Baydhabo (Halqaran.com)- Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Maanta maamul cusub u kala magacaabay Gobolka Bakool, isagoo xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiyeyaashii Gobolka baay Bakool ee KGS.
Wareegto uu soo saaray Madaxweyne Lafta-gareen waxaa marka hore Guddoomiye cusub loogu magacaabay Gobolka Baay, waxaana loo magacaabay Cabdifitaax Maxamed Ibraahim (Piano), kaasi oo bedelaya Guddoomiyihii isaga ka horreeyay ee xilkaas haayay.
Madaxweyne Lafta gareen ayaa waxaa uu xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Gobolka Bakool Maxamed Macalin Axmed iyo kuxigeenkiisa dhanka Amniga & Siyaasadda, wuxuuna Guddoomiyaha Gobolka Bakool uu u Magacaabay Maxamed Cabdi Maxamed (Tool) halka Guddoomiye kuxigeenka Amniga & Siyaasadda uu u Magacaabay Cabdullaahi Maxamed Nuur.
Lafta-gareen ayaa Maamulka cusub ee Gobolka Bakool loo magacaabay faray inay dardar-geliyaan shaqooyinka looga baahan yahay Gobolka, sidoo kalena faray Guddoomiyaha Gobolka Baay inuu shaqdaiisa guto.
Xubnaha uu magacaabay Madaxweynaha DG Koofur Galbeed ayaa intooda badan buuxinaya boosaskii ay ka tageen mas’uuliyiinta Xildhibaannada ka noqday Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka.
Maamulka Koofur Galbeed ayaa Xildhibaannadii ugu badnaa ee kasoo baxay waxa ay noqdeen mas’uuliyiin katirsan Baarlamaanka, Wasiirada, Maamullada Gobollada, Degmooyinka iyo Xafiisyada Maamulka sida Madaxtooyada.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





