Friday, March 13, 2026
26.7 C
Mogadishu

RW ku-xigeenka dalka oo ka qeybgalay Shirka Isbaddelka Cimilada & Sugnaanta Cunnada

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka qeyb galay kulan uu soo agaasimay Bangiga adduunka oo looga hadlayay isbeddelka cimilada iyo sugnaanta cunnada.

RW ku-xigeenka oo madasha ka hadlay ayaa xusay saamaynta cimilada adduunku ku leeyahay qaaradda Afrika gaar ahaan Soomaaliya iyo xalalka kala duwan ee dalalka adduunku isaga kaashan karaan in looga hortago saamaynta ay sababto Isbedelka cimilada.

Saalax Axmed Jaamac ayaa waxa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay u badan yihiin Bulsho xoolo dhaqato ah, xoolaha noolna loo dhoofiyo dalalka carabta.

Sidoo kale RW ku-xigeenka, wuxuu xubnaha shirka ka soo qeyb galay la wadaagay saamaynta ay arrintaasi ku yeelatay qaaradda Afrika gaar ahaan Soomaaliya iyo xalalka looga gudbi karo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...