Friday, April 17, 2026
28.1 C
Mogadishu

RW Kheyre, Laftagareen iyo Waare oo gaaray magaalada Garoowe +(SAWIRRO)

Garoowe (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Garoowe hadda Kusoo dhoweeyey Ra’iisul Wasaaraha DF Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Laftagareen, Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha DFS iyo kuwa labada maamul, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.

Soo dhoweynta waftiga waxaa qayb ka ahaa Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor, Guddoomiyaha Golaha Wakillada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Ku-xigeenadiisa, masuuliyiin ka tirsan Puntland, Jubbaland, Galmudug, isimo, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.

Weftiga ayaa ka qayb gelidoona Aaska Qaran ee maanta loo samaynayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Alle ha u naxariistee Marxuum Xasan Abshir Faarax.

Maydka Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa la filayaa in saacadaha soo socdo la geeyo Magaalada Garowe, maadaama Salaada Janaasada lagula soo tukaday Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...