Sunday, April 19, 2026
27.9 C
Mogadishu

RW hore ‘Kheyre’ iyo Guddoomiyihii hore BF Somaliya ‘Jawaari’ oo ku kulmay Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Talaadadii maanta hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho kula kulmay guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan (Prof. Jawaari).

Wararka ayaa sheegaya, in labadan mas’uul ay kawada hadleen xaaladda Siyaasadeed ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa dhawaan ku dhawaaqay in uu yahay Musharrax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Si kastaba, xukuumaddii uu hoggaaminayay Kheyre ayaa Jawaari ku riday sifo dadka qaar ay sheegeen in ay baalmarsaneyn Sharciga dalka, waxaana la sheegay in wixii xilligaasi ka dambeeyay aysan ka dhaxeyn labadda mas’uul xiriir wanaagsan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...