Sunday, April 19, 2026
27.7 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Madaxweynihii hore K/Galbeed Shariif Xasan ”Dalka 60 maalmood inuu R/wasaare la’aan ahaado weli kama dhicin”

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ahna guddoomiye ku-xigeenka Madasha Xisbiyada Qaran, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo galabta Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho waxa uu ka hadaly arrimo badan oo xasaasi ah.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa Madaxweynaha JF Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyay in uu waddo qardo-jeex ah uu ku wado xaaladda dalka, islamarkaana ay ka dhacayaan dhacdooyin halis ah.

Wuxuu kaloo sheegay, in dalka uu muddo ku dhow 60 maalmood uusan laheyn ra’iisul Wasaare xilli wali uu shaqeynaayo baarlamaanka iyo Madaxtooyadda.

Shariif Xasan ayaa sidoo kale, uu baadil ku tilmaamay dhammaan talaabooyinkii ay qaaday xukuumadda KMG ah oo uu sheegay in ay baalmartay sharciga uuna socdo boob, sida uu yiri.

Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Shariif Xasan ayaa xusay, in nasiib darro weyn tahay in Madaxweynihii dalka oo laga rabay in uu dhowro dastuurka uu dhinac-marayo.

Ugu damebyn, Shariif Xasan ayaa madaxweynaha JF Soomaaliya, Farmaajo ugu baaqay in uu soo magacaabo ra’iisul wasaare, uuna ka shaqeeyo sidii doorasho waqtigiida ku dhacda loo heli lahaa.

Haddaba halka hoose ka dhageyso Shirka Jaraa’id Shariif Xasan:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...