Thursday, April 30, 2026
28.5 C
Mogadishu

Roob lagu diirsaday oo galabta ka da’ay Muqdisho iyo dhisme ku yaalla Boondheere dad ku dumay

Muqdisho (Halqaran.com) –  Roob lagu qabowsaday ayaa galabta ka da’ay magaalada Muqdisho , iyadoo sidoo kalene shalay illaa xalay da,ayay roobkaasi, waxaana ka dhashay khasaare.

Dhisme ku yaalla degmada Boondheere gaar ahaan Waaxda Yuusuf Al Kownayn ayaa soo dumay xilli dad ay ku jireen, wuxuuna soo dumay xilli galabta roob uu da,aayay.

Waaxda gurmadka deg dega ah ee dabdamiska dowlada hoose Xamar iyo bulshada ku dhaqan waaxda Yuusuf Alkowneen ee degmada Boondhere ayaa ku guulestay bad-baadinta laba ruux oo uu ku soo dumay dhismaha guri ay ku noolaayeen.

Dadkaan ayaa si dirqi ah looga soo bixiyay dhismaha hoostiisa, islamarkaana lagu guuleystay iyaga oo nool in la soo saaro.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa goob joog ka ahaa xiliga lagu mashquulsanaa badbaadinta dadka danta yar ee uu dhismaha ku soo dumay.

Dadka danyarta ee degan dhismaha qadiimiga ah ee Muqdisho ayaa saameyn kala duwan waxaa ku yeesha xilliyada roobka uu ka da,aayo Muqdisho.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...