Sunday, December 14, 2025
26.5 C
Mogadishu

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Talyaaniga Silvio Berlusconi oo da’da 86 sano ku geeriyooday

Milan (HalQaran.com) – Silvio Berlusconi, ra’iisul wasaarihii hore ee qaabeeyey saaxada siyaasadda iyo dhaqanka Talyaaniga, isaga oo iska riixaya fadeexado sharci iyo kuwa gogol dhaaf oo dhowr ah, ayaa geeriyooday isaga oo 86 jir ah, waxaa sidaas AFP u xaqiijiyey afhayeenkiisa.

Ganacsadaha ka taajiray warbaahinta ayaa waxaa Jimcihii la dhigay isbital ku yaalla magaalada Milano, si loogu sameeyey tijaabo la xiriirta cudurka uu qabay ee leukemia.

Isbitaal dhigistiisa ayaa timid saddex toddobaad kadib markii laga soo saaray isbitaalka San Raffaele ee Milan oo uu ku jiray lix toddobaad, markaasi oo dhaqaatiirta ay sheegeen inuu qabay nooc naadir oo ka mid ah kansarka dhiigga.

Berlusconi ayaa sanado badan waxaa haystay caafimaad darro, oo ay ku jiraan qalliin wadnaha looga sameeyey 2016 iyo 2020 oo uu ku dhacay cudurka Coronavirus.

Inkasta oo dib loogu doortay senate-ka Talyaaniga sanadkii tegay, haddana Berlusconi ayey adkeyd in fagaare dadweyne lagu arko.

Hase yeeshee wuxuu ahaa madaxa rasmiga ah ee xisbiga garabka midig ee Forza Italia, iyo saaxiibka dowladda isbaheysiga ee ra’iisul wasaare Giorgia Meloni.

Berlusconi ayaa xukumay Talyaaniga saddex jeer, intii u dhaxeysay 1994-kii illaa 2011-kii isku gays muddo 9 sano ah.

Hase yeeshee saameyntiisa ayaa dhaafsiisneyd siyaasadda, sababo la xiriira inuu lahaa taleefishin, wargeys iyo koox kubadda cagta ah.

Waxa uu ka tegay Marta Fascina oo ah gabar 33 jir ah oo gacalisadiisa aheyd, laba xaas oo hore iyo shan caruur ah, oo qaarkood maamula ganacsigiisa lagu qiyaaso 7 bilyan oo Euro.

AFP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...