Wednesday, April 22, 2026
26.4 C
Mogadishu

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Japan oo toogasho lagu dilay

Japan (Halqaran.com) – Ra’iisul wasaarihii ugu waqtiga dheeraa ee soo maray dalka Japan Shinzo Abe, ayaa Jimcaha maanta ah dhintay, kadib markii toogasho lagu dhaawacay magaalada Nara, xilli uu u ol’oleynayay doorashada baarlamaanka, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Fumio Kishida oo ah ra’iisul wasaaraha hadda xilka haya ayaa sheegay in Abe, oo 67 jir ah, uu ku jiro xaalad halis ah.

Sida laga soo xigtay sarkaal sare oo ka tirsan xisbiga (Xisbiga Liberal Democratic Party), ra’iisul wasaare hore Abe ayaa ku dhintay isbitaal ku yaal magaalada Kashihara ee gobolka Nara, halkaas oo lagu daweynayay, wuxuuna ahaa 67 sano jir.

Sida ay wararku sheegayaan Abe waxa uu u muuqday mid wadnuhu istaagay markii diyaarada loogu qaaday Isbitaalka, si loola tacaalo xaaladiisa Caafimaad.

Booliska ayaa sheegay in nin 41 jir ah oo looga shakisan yahay in uu fuliyay toogashada la xiray.

Weerarku waxa uu dhaliyay naxdin iyo cambaarayn caalamka oo dhan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...