Muqdisho (Halqaran.com) – Gobollada dalka ayaa waxaa ku dhufatay abaar sababtay in dadka Soomaaliyeed ee reer miyiga ah ku waayaan xoolahoodii iyo daaqsinba.
Abaartaan ayaa ah mid saameen ba’an ku yeelatay wax soo saarkii beeraha, waxaana hoos u dhac weyn ku yimid beerashada dalagyada noocyadooda kala duwan.
Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in abaarta dalka ku dhufatay ay tahay tii ugu darneed muddo 40 sano ah.
Inta badan Soomaalidu waa xoolo dhaqato, waxayna ku tiirsan yihiin xoolahooda, balse sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, ilaa saddex milyan oo xoolo ah ayaa ku dhintay abaarta ka jirta dalka.
In ka badan 805,000 oo qof ayaa ku barakacay abaaraha, halka rubac milyan qof ay soo food saartay macluul.
Ugu dambeyn, 7.1 milyan oo Soomaali ah, kuwaasi oo ah ku dhawaad kala bar dadka dalka ku nool ayaa wajahaya heerar cunto yari ba’an.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





