Saturday, March 14, 2026
26.8 C
Mogadishu

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka dhawaajiyay in ciidamadii lagu soo tababaray Ereteriya ay ka guuleysan karaan Al-Shabaab

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa Sabtidii maanta kormeer ku tagay Xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho oo ay deggan yihiin Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka ee tababarka dhowaan ku soo qaatay waddanka Ereteriya.

RW Barre oo la hadlayay ciidanka ayaa xusay in shacabka Soomaaliyeed aaminsan yihiin in Al-Shabaab muddo kooban kaga saari karaan goobaha kooban ee ay kaga hareen ay dalka, isla markaana uu ku garab siin doono sidii aad u soo celin lahaayeen karaamadii sharaftii iyo cisigii shacabka Soomaaliyeed.

“Waa la idin sugaayay, laba qolo ayaa idin sugaayay; qolo imaashihiini, joogitaankiina iyo sidan aad u diyaarsan tihiin maanta farxad iyo reyn reyn ay u tahay – waa Shacabkiina, Dalkiina iyo Calankiina, qolona way idin sugeysay, laakiin waxay idinku sugeysay, markaad timaadaan inay jabayaan, cabsi, khawf, naxdin iyo walbahaar ayay la il xun yihiin.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa waxa uu baaq u diray dhallinyarada Soomaaliyeed ee weli ka barbar dagaalamaya Al-Shabaab, kuwaasi oo uu sheegay in ay fursad heystaan oo la joogo xilligii ay isku soo dhiibi lahaayeen intii qaban lahaa iyaga oo dambi gacmaha kula jira.

Xafiika Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...