Monday, June 1, 2026
26.3 C
Mogadishu

Ra’iisul Wasaare Xamse oo dhiggiisa Jabuuti kula kulmay dalka Jabuuti

Jabuuti  (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre oo ku sugan magaalada Jabuuti ayaa galabta kulan kula qaatay Guriga Ummadda, Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed.

RW Xamse oo uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaare Kaamil soo dhaweynta walaaltinimo, ayaa xusay sida ay Jabuuti mar walba u garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka lagula jiro kooxda Khawaarijta Al-shabaab ee aan waxba u reeban nolosha shacabka Soomaaliyeed, booqashadanna ay tahay mid xoojineysa xiriirka amni, diblomaasi, bulsho iyo dhaqan ee ka dhaxeeya labada waddan.

Mudane Cabdulqaadir Kaamil Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti ayaa sheegay in uu ku soo dhaweynayo Ra’iisul Wasaare Xamse waddankiisa labaad, isla markaana ay booqashadiisu muujineyso iskaashiga iyo xiriirka sokeeye ee taariikhiga ah.

Ra’iisul Wasaare XF Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre iyo xubnaha wafdigiis ayaa kulan laba geesood ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti, Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada, si loo sii dardargeliyo xiriirka iyo iskaashiga labada dal, loogana miro-dhaliyo hiigsiga ay wadaagaan labada shacab ee walaalaha ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...