Ra’iisul Wasaare Xamse oo daah-furay mashruuca horumarinta korontada dalka

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa Arbacadii maanta daah-furay qorshaha hormarinta korantada dalka oo qayb ka ah qorshaha xukumadda ee tiirka Horumarinta Arrimaha bulshada.

Barnaamijka horumarinta korantada Dalka oo ku baxayso lacag dhan 150Milyan oo dollar, ayna fulinayso wasaaradda korantada iyo biyaha oo kaashanaysa bangiga Adduunka, ayaa soconaya mudo 5 sano ah.

Waxaana loo qorsheeyay in 11 magaalo oo ka mid ah dalka laga hir-geliyo  koronto gelin loogu samayn doono goobaha waxbarashada iyo caafimaadka ee dhamaan gobollada dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa munaasabadda daah-furka ka sheegay in nolosha casriga ah ay korontadu saldhig u tahay oo la’aanteed aan dhaqaale la horumarin karin, amni la sugi karin, waxbarasho iyo caafimaadna la tayeyn karin, sidaas darteed ay lagama maarmaan tahay in la helo tamar casri ah oo dadkeenna siisa fursad ay dunida kula jaan qaadi karaan.

Xukuumadda Dan-qaran ayaa qorshaheeda siyaasadeed waxaa saldhig  u ah  horumarinta adeegyada bulsho dalka ee ku burburay dagaalladii sokeeye iyo xoreynta deegaannada cadawgu ku dhibaateyn jireen shacabka Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com