Monday, October 5, 2026
28.9 C
Mogadishu

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kormeeray Garoonka Aadan Cadde +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeer shaqo ku tagey Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Ujeedka kormeerka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ahaa mid uu ugu guur galayay howlaha baaxadda leh ee ka socda garoonka, isagoo kormeeray qeybaha kala duwan oo ay ka mid yihiin duulista, saadaasha hawada iyo Socdaalka. Isagoo xog wareystay bulshadii Soomaaliyeed ee xiligaas loo adeegayay.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa kormeerkiisu ahaa mid lagu dar-dar-galinayo habsami u socodka garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde. Wuxuuna hawl-wadeennada garoonka kula dar-daarmay inay dareemaan mas’uuliyadda Qaran ee saaran, isagoo xusay in dowladdu ay ka shaqaynayso sidii loo horumarin lahaa Garoonka Aadan Cadde iyo Garoomada kale ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladdu ay xil weyn iska saarayso sidii loo horumarin lahaa garoonka, maadaama Soomaaliya ay soo kabanayso, duulimaadyaduna maalin walba ka sii kordhayaan intii hore.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...