24.5 C
Mogadishu
Saturday, August 13, 2022

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka qeybgalay Shirweynaha Golaha Qurbajoogta Soomaaliyeed

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul wasaaraha XF Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo aaladda internetka kaga qeyb galay Shirweynaha Sanadlaha ah ee Golaha Qurbajoogta Soomaaliyeed ee GSD ayaa soo bandhigay fursadaha horumarineed ee ka jira dalkeenna una baahan iskaashi iyo wadajir ah si looga faa’iideysto kaalinta Qurbajoogta Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha ayaa la wadaagay Qurbajoogta Soomaaliyeed horumarka Maalgashi ee dalka laga sameeyay iyo kobaca dhaqaale, isagoona tusaaleeyay fursaddaha shaqo loogu abuuri karo dhallinyarada Soomaaliyeed, kuwaas oo door firfircoon ku leh dib u dhiska dalka iyo dowladnimada.

“Qurbajoogta Soomaaliyeed waxaa ay door weyn ka soo qaateen dib u heshiisiinta, Dowladnimada iyo horumarinta bulshadeenna ku nool gudaha, waxaa xusid mudan tan iyo burburkii dalkeenna in ay jiraan xarumo Caafimaad, Waxbarasho iyo Ganacsi ay ka hirgeliyeen dalkooda hooyo qurbajoogta, waxa ayna qeyb ka tahay dadaallada joogtatada ah ay ku bixiyaan soo kabashada dalkeenna”

Sido kale, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in laga faa’iideysto kheyraadka kala duwan ee dalkeenna oo ay ugu horreeyaan horumarinta maalgashi xirfaddaha, Dalxiiska, Tamarta, kalluunka iyo hal abuurnimada ay dadkeenna hibada u leeyihiin.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Qurbajoogta Shirka ka soo qeyb gashay ku dhiirrigeliyay isku xirnaanta iyo in ay hormuud u noqdaan dib u dhiska dalka iyo horumarintiisa, iyagoo abuuraya mustaqbal wanaagsan oo dadka Soomaaliyeed u herseeda barwaaqo waarta.

Dhankooda qurbajoogta Soomaaliyeed ee shira ka soo qeyb galay ayaa dowladda ku bogaadiyey dadaallada ay ku bixineyso xaqiijinta amniga, kor u qaadidda dowladnimada iyo kobcinta dhaqaalaha qaranka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Ex-Aljazeera journalist voted in as Wajir South MP

By BERTHA OCHOMO Ex Aljazeera journalist has been elected as...

One million people displaced by drought in Somalia, says UN

A historic drought in Somalia has now displaced one...

Uganda, Somalia ink MoU on Defence Cooperation

Somalia and Uganda have signed defence cooperation agreement following...

FAO appeals for over $130M to assist 882,000 people across drought-hit Somalia

By - Mohammed Dhaysane  / AA The UN Food and...

Kenyan presidential candidates in final dash before vote to succeed Kenyatta

Flanked by cheering crowds, the frontrunners in Kenya's presidential...
spot_img

Duqa Muqdisho ‘Cumar Filish’ oo dhagax dhigay dhismaha Buundo muhiim ah

Muqdisho (Halqaran.com) - Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Sabtida maanta ah dhagax dhigay dib-udhiska Buundada...

DAAWO VIDEO: Madaxweyne Xasan Sheekh oo dardaaran cajiib ah u diray Shacabka Somaliland

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha JF Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay mudaaharaadyadii rabshadaha xigay ee Khamiistii ka dhacay qaar ka mid ah Magaalooyinka...

Ex-Aljazeera journalist voted in as Wajir South MP

By BERTHA OCHOMO Ex Aljazeera journalist has been elected as Wajir South member of parliament. Mohammed Adow who was a correspondent of the international media won...