Monday, May 11, 2026
28.9 C
Mogadishu

R/Wasaarihii hore Cumar C/rashiid oo war ka soo saaray heshiiskii DF Somaliya & Midowga Musharraxiinta

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, isagoona soo dhaweeyay heshiiskii Dowladda Federaalka iyo Midowga Musharraxiinta ay Khamiistii ku gaareen Magaalada Muqdisho.

Mr Sharmarke ayaa sheegay inay markii ugu horreysay noqoneyso xaaladda xilligan dalka ka taagan, labaatankii sano ee ugu dambeysay ee dib u dhiska Dowladnimada Somaliya.

“20-kii sano ee u dambeysay ee Carta marka laga soo bilaabo xaalad noocaana oo waqtigeedii inta gaartay, ayadoo aan waxba lagu heshiinin tanaa ugu horeysa. Waa ayaan-darro sababtoo ah khatar ka weyn inta aan maanta taaganahay na gelin kartay ma jirto.” Ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

Sidoo kale wuxuu hadalkiisa raaciyay,“Masuuliyadaa ku fareysa in arrimaha wax badan aad ka tagtit, wax badana aad xeeriso, si dalka marna uusan u gelin xaaladda hadda ay taagan tahay.”

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in xilligiisii ay xukuumadiisii la timid qorshe ay dalka uga gudbineyso habraaca marxaladda kala guurka, ka dib markii sida uu sheegay uu garowsaday inaanay dalka ka qabsoomi karin doorasho qof iyo cod ah.

“Anaga waqtigeynii markii aan xukuumadda qabtay waxaa dhineed sanad iyo bar illaa laba sano ku dhawaad, markaan afar illaa shan bilood joogay waxaan arkay inaanu qof iyo cod dalka aadi karin. Baarlamaankaa hortagay waxaan ka sheegay in aysan dhici karin, talana aan dalka galineyno, wixii markaasi nala gudboonaado oo loo arko dadku inay isku raacaan xal looga gudbi karo waqtiga in la sameeyo, dalkuna waad aragtay wuxuu ku socday si niyad ah, wada-shaqayn waxaa jirtay heer sare ah.” Ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

Sharmarke waxaa uu sheegay in madaxda hadda joogta ay ku wareejiyeen dal wada socda, amnigiisa ka wanaagsan halka uu maanta taagan yahay.

“Maalintan ka tageynay dalku, dal wuxuu ahaa isu yimid, oo Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada ay wada shaqaynayeen. Siyaasiyiinta dal waxaan ku wareejinay runtii wada-shaqaynaya oo wada-socda, oo amnigiisa inta maanta taagan yahay ka sii fiican yahay.” Ayuu yiri Cumar Cabdirashiid oo la hadlay laanta Af Soomaaliga ee VOA-da.

“Waxa ugu muhiimsan masuuliyad qof dowlad soo maray waxaa weeye maalintaad timaadid iyo maalintaa ka tageysid dalka iyo dadku inuu sidii isaga sii dhowyahay.” Ayuu sidoo kale yiri Cumar Cabdirashiid Sharmarke.

Cumar Cabdirashiid ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku dhaliilay in uu dalka ku soo kordhiyay waxa uu ugu yeeray dhaqan hala kala adkaado ah, dhaqankaas oo maanta aan dalka ka shaqayneyn.

“Xoogaa waxaad mooddaa dhaqan ah hala kala adkaado oo runtii ah dhaqan aan Soomaaliya ka shaqayneynin, weliba xaaladda hadda lagu jiro iyo sida dadku u kala daadsan yahay. Muhiimadda ah in dadka iyo dalka la isu soo cesho oo dadka leesku keeno, horta dhaqan noocaas ah mid ka shaqaynayo meeshaan maaha, waana sii kala fogeeyay dadka, oo runtii wuxuu kala gaarsiiyay meel xun. Xaaladda siyaasadeed ee maanta ee dalka waxay mareysaa farta in leesku fiiqo, lees caayo, yacni meel xun oo shakhsiga in la gaaleeyo uun baa dhiman, wax kaloo hadda noo harsan majiraan.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalka, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke.

Wuxuu kaloo xusay in uu rajeynayo in dhaqanka noocaasi ah laga gudbo, kadib doorashada lagu wado in sanadkan ay dalka ka dhacdo.

“Waxaan rajeynayaa dhaqankaas doorashadaan ka dib in laga gudbo, oo sidii leeskugu soo celin lahaa dadka iyo dalka laga shaqeeyo.”

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...