Wednesday, April 29, 2026
29.7 C
Mogadishu

R/Wasaare Rooble oo si kulul uga hadlay dadkii rayidka ahaa oo ay AMISOM ku dishay Sh/Hoose

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa gelinkii dambe ee Sabtida maanta ah ka hadlay dadkii rayidka ahaa ee Ciidanka Uganda ee qaybta ka ah AMISOM ku dileen deegaanka Golweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Militariga Uganda ayaa 10-kii bishan si arxandaro leh deegaankaasi ugu dilay toddobo qof oo beeraley u badnaa, iyadoona eheladooda diideen in la aaso, illaa iyo inta sharciga laga horkeenayo askartii dishay.

“Xaqiiqdii waa arrin fool xun oo aad iyo aad aan uga damqanay, haddaan nahay Dowladda Soomaaliyeed. Waxaa halkaan igu soo booqday Safiirka Dowladda Uganda iyo Taliyaha Qaybta, iyagoo tacsi iigu yimid, iyagana waan u sheegay, shacabka Soomaaliyeed-na waan u sheegayaa, marna aqbali mayno, raalina kama nihin in shacabka Soomaaliyeed dhib loo gaysto, haddii ay tahay ciidamo AMISOM iyo haddii ay tahay ciidamo Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa yiri “Shacabka Soomaaliyeed waa lama taabtaan, haddii gacan ka gardaran ay wax u gaysatana anagaa diyaar u ah inaan u istaagno, na loona igmaday inaan xaqooda u istaagno. Sidaasi darteed waxaan leeyahay waalidiinta Soomaaliyeed iyo eheladoodii, samir Alle ha inaga siiyo.”

Waxa kaloo uu yiri “Waxaan magacaabay Guddi Wasiiro, oo kala ah Wasiirka Amniga, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Gaashaandhigga iyo Wasiirka Cadaaladda, oo berri ay halkaan kula kulmi doonaan Safiirka iyo AMISOM, arrintaas ayayna ka hadli doonaan. Insha’Allah waxaan rabaa in baaritaan lagu sameeyo, sida ugu dhakhsiyaha badana looga jawaabo, waxna looga qabto.”

Rooble ayaa intaasi ku daray “Safiirka iyo Taliyaha waa ii sheegeen in dadkii falkaasi gaystay gacanta lagu hayo, maxkamadna la saarayo, sidaasi darteed anagana waan daba-galeynaa, wixii ka soo baxana gadaal ayaan idinkaga soo wargelinaynaa.”

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...