Thursday, April 30, 2026
28.3 C
Mogadishu

R/Wasaare Rooble oo sheegay inuu deg deg isugu yeeri doono madaxda Soomaalida

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyay madaxweynaha Jamhuuriyadda in uu wareejiyay mas’uuliyadda  doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Golaha Shacabka uga mahadceliyay in sida ay u tixgeliyeen codsigii madaxweynaha ee ahaa in dib loogu noqdo heshiiskii 17-kii September, ayaa sheegay in xukuumaddu soo bandhigi doonto qorshaha doorashooyinka, amniga doorashooyinka iyo fulinta qorshaha guud ee Amniga Qaranka.

Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in uu dhawaan ku casuumi doono madaxda dowlad-goboleedyada in ay ka soo qeyb galaan shirka Madasha Qaranka ee dhammeystirka arrimaha doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray ciidamada qaranku in ay ku laabtaan xeryohoodii oo aysan ku milmin siyaasadda, isagoo ugu baaqay siyaasiyiintuna in ay ka fogaadaan hadal ama ficil kasta oo aan caawineyn xasilloonida dalka iyo wadajirka shacabka

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...