Saturday, May 30, 2026
28 C
Mogadishu

R/Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi oo raali gelin ka bixiyay taageero xooggan oo u muujiyay Madaxweyne Farmaajo

Garoowe (Halqaran.cpm) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo ka qeyb-galayay dood ka socota Shirka Garoowe ayaa sheegay in uu raali gelin ka bixinayo hadalkii u horay u sheegay ee uu ku taageerayay dib u doorashada Madaxweyne Farmaajo.

Hadalkaas oo ahaa in Madaxweyne Farmaajo uu wareeja 1aad ee doorashada uu kusoo bixi doono sida dowlad Goboleedyada, Hir-Shabeelle, Galmudug & Koonfur Galbeed oo ay kusoo baxeen Madaxweynayaal taageersan dowladda, kaas oo uu ka sheegay munaasabad ka dhacday Tiyaatarka Qaranka.

“Waxaan rabaa inaan rali-gelin iyo xaal aan ka bixiyo hadal aan horay u iri ee ahaa  Wareega koowaad, Arrinta wareega 1aad raali-gelin iyo xal baan ka bixinayaa, musharixiinta ha biqinina xaal ban ka bixiyay wareega 1aad garoonkana wuu noo furan yahay ee aan u diyaar garoowno doorasho nabad ah‘‘ ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Si kastaba, hadalka uu Maanta raali-gelinta ka bixiyay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa markii uu sheegay waxaa fal celin ka bixiyay qaar kamid ah Midowga Musharixiinta & Xubnaha Mucaaradka, iyaga oo sheegay in Mahdi Guuleed uu si horudhac ah ugu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu boobayo doortashada.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...