Monday, February 9, 2026
28.9 C
Mogadishu

Qoraalkii ugu horreeyay ee Twitter lasoo dhigay oo malaayiin doolar lagu iibinayo

USA (Halqaran.com) – Jack Dorsey oo ka mid ah aasaasayaasha Shirkadda Twitter ayaa iibinaya qoraalkii ugu horreeyay ee uu soo dhigay barta Twitter, waxa uuna ku doonayaa in looga iibsado 2.5 malyan oo doolar.

Jack ayaa qoraalka soo dhigay Twitter bishii Maarso sanadkii 2006-dii, qoraalka ayaa u qornaa sidatan,”Waxaan ka shaqeynayaa sidii aan u sameysan lahaa bogeyga Twitter-ka.”

Qofka iibsado qoraalka ayaa waxaa la guddoonsiin doonaa shahaado casri ah oo uu ku saxeexan yahay magaca Dorsey, iyo sidoo kale macluumaad ku saabsan qoraalkii ugu horreeyay iyo xilligii lasoo dhigay barta Twitter.

Waxaana la sheegay in qoraalka uu ku sii jiri doono Twitter-ka ka dib marka la iibiyo.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...