Friday, May 15, 2026
27.3 C
Mogadishu

QM oo sheegtay inay Somaliya halis ugu jirto dib u dhac ku yimaada guulihii siyaasadeed iyo Amni ee…

Muqdisho (Halqaran.com) – Guulihii siyaasadeed iyo amni ee ay Soomaaliya gaartay sanadihii la soo dhaafay waxay halis ugu jiri kartaa dib noqosho, haddii aysan bulshada caalamka la imaan ficil deg deg ahi, oo Soomaaliya looga caawinayo ka hortagga dhibaatooyinka bani’aadanimo, ee ka dhashay fatahaadaha, ayaxa iyo COVID-19.

War qoraala oo xalay ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobey ee Sooamaliya (UNSOM), uuna ku saxiixnaa Justin Brady, Iskuduwaha Xafiiska Qaramada Midoobey ee Arrimaha Bani’aadanimada ee Soomaaliya ahna Madaxa Hay’adda OCHA ee Geeska Afrika ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay halis ugu jirto dib u dhac ku yimaada guulihii ay ku tallaabsatay sanadihii tagay.

“Hannaanka wax qabsashada Soomaaliya aad ayay uga yar tahay dalalka deriska. Sidaasi awgeed saameynta daadka, ayaxa iyo COVID-19 maahan mid bani’aadanimo, waxayse awood u leedahay inay bedesho guulihii siyaasadeed iyo amni, ee ay beesha caalamka ka taageereysay tobankii sano ee ugu dambeeyay.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Waxa aan u baanahay in aanu sii wadno wada shaqaynta iyo xoojinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga gaarka loo leeyahay, bulshada rayidka iyo wada-shaqayn dheeraad ah oo aan la yeelanayo qurbajoogta.”

Waxaa kaloo qoraalka lagu sheegay “Waxaa ina haysata xaalad ah labada dhibaato ee fatahaadaha iyo COVID-19, ee gaarsiinta iyo xoojinta saamaynta shacabka, ka dibna waxaa inoo xigga ayax. Waxaan rajeyneynaa inaan aragno qayb ka mid ah dalagyada sanadkan oo ay beeraleyda ku weyday ku ayaxa, taasoo hubinta la’aan ka dhigi doonto sugnaantada cuntada iyo xaaladda nafaqada ee Soomaali badan.”

Warka UNSOM ayaa lagu muujiyay in shan boqol oo kun oo qof ay ku barakaceen fatahaadihii ugu dambeeyay ee ka dhacay Gobolada Dhexe, oo dabcan ay ugala jeedaan Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, xilli dalka uu la tacaalayo ayax daran oo halis ku ah baa warka lagu yiri cuntada iyo nafaqada dad badan, waxayna tani ku soo aadaysaa, iyadoo Somaliya ay ku hawlan tahay wax ka qabashada faafitaanka xanuunsidaha COVID-19.

UNSOM ayaa ku talisay si caqabadahan looga gudbo ay haboon tahay in xoogga la saaro, lagana wada shaqeeyo, sidii si guud wax looga qaban lahaa.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...