Thursday, March 12, 2026
26.7 C
Mogadishu

Qaxooti badan oo ay Soomaali ku jirto oo laga soo daadgureeyay Liibiya oo la geeyay Rwanda

Rwanda (HalQaran.com) – Dowladda Rwanda ayaa qaabishay 134 qaxooti iyo magangalyo doon ah, kuwaas oo laga soo daad gureeyay dalka Liibiya.

Qaxootiga dalka Rwanda la geeyay ayaa u kala dhashay dalal kala duwan oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

Tirada qaxootigaasi ayaa loo kala qaaday inay kala yihiin sidan;

64 Eritrea

35 Sudan

15 Soomaali ah

17 Itoobiyan ah

2 Cameroon

1 Mali

Sida lagu soo warramayo qaxootigan ayaa la dejindoonaa Xarunta Gaadiidka Gashora, halkaas oo dadkii kale ee la soo daadgureeyay ay ku sugan yihiin.

Dowladda Rwanda, Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR), iyo Midowga Afrika ayaa ka shaqeeyay in la sameeyo goob kumeel gaar ah oo loogu talo galay qaxootiga lagasoo celiyo dalalka kale.

Tan iyo sanadkii 2019-kii, dowladda Rwanda waxay martigelisay in ka badan 1,600 qaxooti magangalyo doon ah.

Muddadaas UNHCR waxay ka shaqaynaysay sidii ay xal ugu heli lahayd dadkan. xalkaas waxaa ka mid ah in dib loogu celinayo dalalkoodii, ama suurta-galnimada in ay ku sii nagaadaan dalka Rwanda.

Ugu dambeyn, afhayeenka UNHCR ee Rwanda, Lilly Carlisle, warbixin ay siisay The New Times bishii April ee sanadkan ayaa muujisay rabitaanka hay’adda ee ah in la kordhiyo heshiiska daad guraynta qaxootiga iyo magangalyo doonka la geynayo dalka Ruwanda.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...