Tuesday, May 12, 2026
27.9 C
Mogadishu

Midowga Afrika oo shaaciyay in qaar kamid ah saldhigyada ATMIS lagu wareejinayo ciidanka xoogga dalka

Muqdisho (HalQaran.com) – Guddi ka socday Midowga Afrika ayaa soo gebagebeeyey socdaal xaqiiqo raadin ah oo ay ku yimaadeen Soomaaliya, si ay u qiimeeyaan xaaladda amniga ka hor qorshaha dhimista ciidamada ATMIS.

Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa howlgalka ATMIS, ayaa shaaca ka qaaday in dhowr Saldhig oo Horudhac ah lagu wareejin doono Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed laga bilaabo June 15, 2023.

Madaxa howlgalka ATMIS wuxuu sheegay inay dhimayaan tirada ciidamadooda 2000 oo askari ah, dhamaadka bishan illaa bisha September 2023.

Waxay aheyd dhawaan, markii Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ay si rasmi u sheegtay  dhimista tirada ciidamada ATMIS ee ku sugan dalka, iyadoo xaqiijisay in dowladdu ay ka go’an tahay inay mas’uuliyadda amniga kala wareegto ATMIS.

Wasaaradda gaashaandhigga waxay sheegtay in 2000 oo ka mid ah ciidamada ATMIS-ka laga saari doono Soomaaliya marka la gaaro dhamaadka bishan June 2023.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...