Sunday, March 15, 2026
28.3 C
Mogadishu

Qaramada Midoobey ayaa farriin u dirtay dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada

Muqdisho (Halqaran.com) – Qaramada Midoobey ayaa ka hadashay wadahadaladii shalay ka dhacay xarunta Afisyooni iyadoo sheegtay in ay ka war hayso sida uu u dhacay shirkaas.

“Qaramada Midoobey waxa ay ka war haysaa kulanka maanta  ee horudhaca u ahaa shirka la qorsheeyay inuu Muqdisho ka furmo oo qeyb ahaan ay goob joog ahaayeen  dowladaha xubinta ka ah dowladda federaalka.” Waxaa sidaas lagu yiri war saxaafadeed kooban oo ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Qaramada Midoobey ayaa sidoo kale ugu baaqday madaxda Soomaalida in ay yeeshaan Kulamo dheeraad ah oo lagu xalinayo qilaafyada taagan iyo sidii loo daah-furi lahaa shirka madaxda oo lagu dhammeystirayo fulinta heshiiskii 17-ka Sebteembar.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam ayaa diiday ka qeyb galka shirka ka furmaya Afisyooni, iyagoo shuruudo ku xiray ka qeyb galkooda, wallow ay socdaan dadaalo Beesha Caalamka ay wado.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...