Muqdisho (Halqaran.com) – Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa si kulul u Cambaareeyay Weerarkii qaraxa ku bilowday ee gelinkii dambe shalay Al-Shabaab ay ku qaadeen Hotelka Elite ee xeebta Liido Degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir.
War qoraal ah oo kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in weerarkaas ay ku dhinteen dad aad u badan oo ay ku jireen Mas’uuliyiin, halka dad kalena ay ku dhaawacmeen
Sidoo kale, Qaramada Midoobay ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay qoysaskii iyo ehelkii dadka ku geeriyooday weerarka lagu qaaday Hotelka Elite, halka dadkii halkaas ku dhaawacmay ay u rajeeyeen Caafimaad Deg-deg ah.
“Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay si aad u adag u cambaaraynaysaa weerarkii lagu qaaday Hotel Elite ee Magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku naf waayeen kuna dhaawacmeen dad aad u badan. Qarmada Midoobay waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa qoysaskii iyo ehelkii dadka dhibaatadu soo gaartay” ayaa lagu yiri Qoraalka.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya oo ka hadlay weerarkaasi ayaa xaqiijiyay inay dhinteen 16 ruux oo Shaqaale dowladeed iyo Shacab isugu jiray iyo raggii weerarka soo qaaday, halka ay ku dhaawacmeen dad gaaraya 30 ruux.
Ugu dambeyn, Hotelka Elite ee shalay galab weerarka ka dhacay ayaa waxaa ka socota hawlo nadaafadeed oo jawiga Hotelka dib loogu soo celinaayo sidii markii hore uu ahaan jiray, maadaama weerar uu ka dhacay Hotelka.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com