Thursday, June 25, 2026
27 C
Mogadishu

Qaar ka ka mid ah waddooyinka Muqdisho ee laga qaaday dhagxaatii oo waddooyin kale lagu xiray

Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Soomaaliya ayaa xalay waxaa ay dhagxaantii ay horay ugu jartay ka qaaday qaar kamid ah waddooyinka Magaalada Muqdisho, hayeeshee wararka soo baxaya ayaa waxaa ay sheegayaan in waddooyin kale lagu xiray.

Qaar kamid ah Shacabka ku nool waddooyinkii dhagxaanta laga qaaday ayaa waxaa ay sheegeen in goobtii ay ku xirnaayeen markii hore ee laga qaadaay meel u dhow ay dowladda ku sii xirtay.

Dadka qaarkood oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in caqabad horleh ay soo wajahday, isla markaana Xaafadaha qaar ee Muqdisho ay dowladda go’doon gelisay, waxaana ay ugu baaqay inay waddooyinka u furto.

Isgoysyada ay dowladda Soomaaliya xalay dhagxaanta ka qaaday ayaa waxaa kamid ah isgoysyada, Tarabuunka, Sheekh Cali Suufi, Digfeer oo dhammaantood ka tirsan degmada Hodan iyo dhagxaan taallay meel u dhow Isgoyska Danwadaagaha ee degmada Wadajir.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...