Monday, May 4, 2026
30.9 C
Mogadishu

Puntland oo shaacisay xilliga la tooganayo raggii kufsaday oona dilay AUN Caa’isha Ilyaas

Waa Sawirka Allaha u naxariistee Caa’isha Ilyaas Aadan. /Sawir hore/ Keyda Halqaran.com

Boosaaso (Halqaran.com) – Maxamuud Xasan Aw Cismaan oo ah xeer Ilaaliyaha Guud ee Puntland, ayaa Axaddii maanta sheegay in ragga loo xukumay kufsigii iyo dilkii Caa’isha Ilyaas Aadan loogu gaystay Magaalada Gaalkacyo la toogan doono bisha soo socota.

Maxkamadaha kala duwan ee Puntland ayaa saddex nin dil ugu xukumay kiiska ku aadan kufsigii iyo dilkii Caa’isha Ilyaas loogu gaystay Magaalada Gaalkacyo, bishii February ee sanadkii hore.

Xeer Ilaaliyaha ayaa Warbaahinta u sheegay in saddexdaasi nin la toogan doono 11-ka bisha February, isagoo xusay in lagu toogan doono fagaare ku yaala Magaalada Boosaaso, saacaddu marka ay tahay sideeda subaxnimo (8:00am), xilliga Geeska Afrika.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo toddobaadkii hore wax laga weydiiyay halka ay ku dambeeyan raggii loo xukumay kiiska Caa’isha Ilyaas ayaa sheegay inay taasi tahay mid u taala Garsoorka Puntland.

Caa’isha Ilyaas oo 12 jir ahayd ayaa waxaa falka loo gaystay lagu sheegay midkii ugu xumaa ee ka dhaca Magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaanba Puntland, taariikhda inta ay qoreyso.

Ugu dambeyn, kufsigan ayaa dareen argagax leh ku abuuray shacabka Soomaaliyeed, dal iyo dibadba, waxayna dadweynuhu iyo qoyska Caa’ishaba ay sheegeen inay samir siin u noqon karto, iyadoo tiirka la geeyo kuwii falkaasi arxanka daran gaystay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...