Monday, May 4, 2026
28.5 C
Mogadishu

Guddoomiye kumeel gaar ah oo loo sameeyay Baarlamaanka Galmudug

Xildhibaan Xasan Keynaan Xalane

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug oo Axaddii maanta kulankoodii ugu horeeyay ku yeeshay Magaalada Dhuusamareeb ayaa doortay Guddoomiye Kumeel gaar ah.

Xildhibaan Xasan Keynaan Xalane ayaa waxaa loo doortay inuu noqdo Guddoomiyaha KMG ee Baarlamaanka Galmudug, si uu xilka u sii hayo inta laga soo dooranayo Guddoonka Baarlamaanka Galmudug.

Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee Galmudug ayaa maalmaha soo socda sii wadi doono kulamadooda, ay ku yeelanayan Magaalada Dhuusamareeb.

Inkastoo aan weli la soo saarin jadwalkii lagu dhaqaajin lahaa Doorashada Galmudug ayaa waxay hadana Xildhibanadu qaban qaabin doonaan guddi ka shaqeeya Doorashada Guddoonka Baarlamaanka.

Wakiilada Siyaasiyiinta Xisbiyada KMG ee dalka ka jira iyo kuwa Villa Soomaaliya ayaa Magaalada Dhuusamareeb ka wada kulamo, aad adkeyso in loogu loolamayo gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku-xigeenkiisa.

Illaa iyo hadda waxaa jira dhawr xubnood oo dhinacyada siyaasadda la kala safan, kuwaa oo isu soo sharaxay jegada Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Gudoomiye Ku-xigeenka.

Ciidamada Dowladda ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa adkeeyay amniga magaalada, iyagoona u muuqdo kuwo ka feejigan weerarro ka dhaca magaaladaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...